Hargeisa,(Qaran news)-Madaxda xafiiska ay Turkugu kuleeyihiin Somaliland ayaa maanta booqday magaaladda xeebta ah ee Berbera booqashadani ayaa la filayaa in ay dawladda Turkigu doonayso in ay wax ka ogaato xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaaladda Berbera oo ka mid ah dekadah ugu waaweyn ee ku yaala qaarada Africa siiba bariga Africa.
Hadaba madaxda Turkiga ee Somaliland u jooga oo fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa booqashadooda Berbera aad u amaanay.
Qoraal ay soo dhigeen bartooda X- waxa uu u qornaa sidan hoos ku xusan waxana ay yidhaahdeen.
Berbera ayaanu tagnay. Magaaladan quruxda badan ee badda, waxaan sidoo kale booqannay xabsiga iyo masaajidka ay lahaayeen xilligii Cusmaaniyiinta. Waxaan xog qiimo leh ka helnay maamulka Dekedda Berbera.