Guddoomiyaha Baanka oo la Kulmay Hay’adaha Maaliyadda


Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Dr. Cali Cabdillaahi Daahir ayaa kulan la qaatay Hay’addiaha Maaliyaddeed ee Wadanka.

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa xasilinta suuqyadda lacagaha iyo Maaliyadda iyo u diyaar garowga ka qaybgalka qabanqaabadda shirweynaha dhaqaalaha ee wadanka.

Kulankan waxaa Guddoomiyaha ku wehelinayay Guddoomiye Xigeenka, Agaasimaha Guud iyo qaar ka Agaasimayaasha Qaybaha Baanka Somaliland.