UK oo ka Hadashay Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa(Qaran news)-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, & Xafiiska Barwaaqo-sooranka UK , ayaa la weydiiyey su’aal ku saabsan haddii uu wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland la yeelan karo wadaxaajood ku saabsan amniga gobolka, iyo addeegsiga dekedda Berbera.
Wasiirka ayaa ku jawaabay.

” Ilaa iyo markii ay soo shaac baxday isafgaradka Somaliland iyo Itoobiya, Dowladda Ingiriisku waxa ay xidhiidh dhow la lahayd dhamaan dhinacyada ay khusayso, oo ay ku jirto Somaliland, annagoo ugu baaqaynay in xaalada la dejiyo, lana wadahadlo. Waxa aannu dhinacyada oo dhan ugu baaqnay in ay ka dheeraadaan wixii ficil ah ee si taban u saamayn kara amniga gobolka, gaar ahaan la dagaalanka Alshabaab.

Si taa ka duwan, Dowladda Ingiriisku waxa ay taageero ka geysatay mashruuca “Berbera Corridor” oo qayb ka ahaa mashruuca “Ibofurka Barwaaqada ee Geeska”. Taageeradan oo ay qayb ka ahayd 25 milyan oo Ginniga Ingiriiska ah kaasi oo loogu talagalay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo jidka si loo fudaydiyo isku xidhka Berbera, Itoobiya iyo gobolka intiisa kaleโ€.