
Dadka lagu siiyo magangelyo gudaha Boqortooyada Midowday (UK) waxaa laga doonayaa inay dib u bixiyaan qiyaastii £10,000 oo ku baxday kharashka hoygooda iyo taageeradii la siiyay, marka ay bilaabaan inay dakhli helaan, sida ay dowladdu ku dhawaaqday.
Dadka waaweyn ee leh dhaqaale ku filan waxaa laga codsan doonaa inay lacagtaas si tartiib tartiib ah u bixiyaan, iyadoo loo marayo xeerar cusub oo ku jira Sharciga Socdaalka iyo Magangelyada ee soo socda, kaas oo Talaadada la horgeyn doono Baarlamaanka.
Shuruuddan waxay khusayn doontaa dadka magangelyo-doonka ah ee xaqa u leh inay ka shaqeeyaan UK, waxaana khasab ku noqon doonta inay dhammeeyaan bixinta lacagtaas ka hor inta aysan u qalmin inay helaan deggenaansho rasmi ah oo joogto ah.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Shabana Mahmood, ayaa sheegtay in isbeddelladani ay muujinayaan in “taageerada magangelyadu ay tahay xuquuq, balse sidoo kale ay tahay mas’uuliyad.”
Waxaa intaas ku dartay: “Marka dadku awoodaan inay wax ku biiriyaan oo ay dib u bixiyaan deeqsinimadii shacabka Ingiriiska, waxaan filaynaa inay sidaas sameeyaan.”
Qorshayaashan cusub waxay ka dhigan yihiin in muhaajiriinta shaqeeya ee hela dakhli gaaraya heer ay dowladdu go’aamiso laga doonayo inay bixiyaan lacag go’an, taas oo la filayo inay noqoto £10,000.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha wali ma aysan go’aamin inta uu qofku u baahan yahay inuu kasbado ka hor inta aan laga bilaabin lacag-bixinnada billaha ah.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha wuxuu yeelan doonaa awood uu mustaqbalka ku beddeli karo qadarka lacagta la bixinayo iyo heerka dakhliga lagu bilaabayo bixinta, si loo hubiyo in nidaamku u noqdo mid caddaalad u ah canshuur-bixiyeyaasha isla markaana aan qof muhaajir ah loogu horseedin saboolnimo ba’an.
oo diidan qaar ka mid ah tallaabooyinka ugu adag ee uu sharcigu xambaarsan yahay.
Toddobaadkii hore, Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay shaacisay inay qorsheyneyso inay isticmaasho xeryo militari oo hore si loogu dejiyo kumannaan magangelyo-doon kadib markii la xiray 20 hoteel oo kale oo ku yaalla England.
Waxay sidoo kale sheegtay in sharciga cusub ee socdaalka uu ku jiri doono qorshe lagu abuurayo waddooyin sharci iyo ammaan leh oo xaddidan oo qaxootigu ku iman karaan UK, iyadoo jaamacado, kooxo bulsho iyo shirkado ay kafaala qaadi doonaan dadka imaanaya si loo yareeyo kharashaadka ku baxa canshuur-bixiyeyaasha.
Bbc somali





