Ukraine ayaa ogolaatay qodobbada heshiisyada macdanta ee Maraykanka, sida uu BBC u sheegay sarkaal sare oo ku sugan Kyiv.

“Runtii waxaan ku heshiinnay dhowr qodob oo wanaagsan, waxaana u aragnaa natiijo wanaagsan,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo aan bixin wax faahfaahin ah oo dheeri ah.

Warbixinnada warbaahinta ayaa sheegaya in Washington ay laashay dalabaadkii ugu horreeyay ee xaquuqda $500bn ee dakhliga suurtagalka ah ee ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, laakiin ma aysan siinin dammaanad amni oo adag Ukraine .

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu filayo in dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky uu gaaro Washington si uu saxiixo heshiiska toddobaadkan, ka dib markii labada hoggaamiye ay ereyo adag is dhaafsadeen midba midka kale.

Isaga oo aan xaqiijin in heshiis la gaaray, Trump ayaa Talaadadii sheegay in beddelka heshiiska Ukraine ay heli doonto “xaq ay ku dagaallanto”.

“Aad bay geesiyaal u yihiin,” ayuu u sheegay warfidiyeenka, laakiin “la’aanteen Mareykanka iyo lacagihiisa iyo qalabkiisa milatari, dagaalkan wuxuu ku dhammaan lahaa waqti aad u yar”.

Mar wax laga weydiiyey in saadka iyo hubka Mareykanka ee Ukraine uu sii socon doono iyo in kale, waxa uu yiri: “laga yaabee ilaa aan heshiis la galeyno Ruushka… Waxaan u baahanahay inaan heshiis la galno, haddii kale way sii socon doontaa.”

Waxaa jiri doona baahi loo qabo “nooc nabad ilaalin” gudaha Ukraine ka dib heshiis kasta oo nabadeed, Trump ayaa intaaku daray, laakiin taasi waxay u baahan doontaa inay noqoto mid “qof kasta aqbali karo”.

Toddobaadkii hore, Trump wuxuu ku tilmaamay Zelensky inuu yahay “kaligii taliye”, wuxuuna u muuqday inuu Ukraine ku eedeeyay inay bilowday dagaalka, ka dib markii hogaamiyaha Ukraine uu diiday dalabaadka Mareykanka ee $ 500bn ee hantida macdanta, wuxuuna soo jeediyay in madaxweynaha Mareykanka uu ku nool yahay “meel ay hareeyeen macluumaad khaldan” oo uu abuuray Ruushka.

Trump ayaa u ololeynayay si u uu helo macdanta Ukraine si gargaar hor leh oo militari iyo kaalmo kale uu ugu sii wado Ukraine, taas oo Maraykanku siinayay tan markii Moscow ay billowday duullaan ballaaran oo saddex sano ka hor.

Zelensky wuxuu ku dooday in aysan jirin caawimo Mareykan ah oo intaas la eg oo la siiyay, isagoo intaas ku daray: “Ma iibin karo dalkeyga.”

Macdanka Ukriane

Xigashada Sawirka,Getty Images

Isniintii, Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu siiyay Ukraine lacag u dhexeysa $300bn iyo $350bn.

“Waxaan rabnaa inaan dib u helno lacagtaas,” ayuu yiri. “Waxaan dalka ka caawineynaa dhibaato aad u weyn…laakin canshuur bixiyaha Mareykanka hadda wuxuu dib u helayaa lacagtooda oo dheeraad ah.”

Sida laga soo xigtay ilo-wareedka Ukraine, Maraykanku wuxuu ku qasbanaaday inuu ka laabto qaar ka mid ah dalabaadkiisii cuslaa ee waddanka ay dagaalladu aafeeyeen, qaar badan oo ka mid ah faahfaahinta heshiiskan ayaa u baahan doona wada xaajood dheeraad ah.

Shabakadda wararka ee Ukraine ee Ukrainska Pravda ayaa sheegtay in heshiiska macdanta lagu wado inay kala saxiixdaan wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio.

Ukraine waxa ay haysataa kayd badan oo ah walxo iyo macdan muhiim ah, oo ay ku jiraan lithium iyo titanium, iyo sidoo kale dhuxusha, gaaska, saliida iyo kaydadka uranium-ka oo la qiyaasi karo – sahay qiimaheedu dhan yahay balaayiin doolar.

Waxaa sii kordhaya waalaca Ukriane iyo xulufaeeda Yurub ay ka qabaan xiriirka Ruushka iyo Maraykanka oo ay ku jirana wadahadalladii Sacuudiga ee todobaadkii hore.

Maxay yihiin macdanaha ay leedahay Ukraine?

ukraine

Xigashada Sawirka,Getty Images

Waxaa lagu qiyaasa in qiyaastii boqolkiiba shan ” waxyaabaha muhim ee cayriinka” ee adduunka ay ku jiraan dalka Ukriane kuwaas oo ay ka mid yihiin.

Sagaal iyo tobban milyan oo macdan nooca graphine, taas oo loo isticmaalo in laga sameeyo bartiyada baaruurt ayaa ka mida macdanaha ay qaniga ku tahay Ukriane.

Saddex meelood meel dhigaalka lithium Yurub, oo ah qaybta muhiimka ah ee baytariyada hadda jira ayey sidoo kale Ukriane qani ku tahay.

Ka hor inta uusan bilaaban duulaanka buuxa ee Ruushka seddex sano ka hor, Ukraine waxay sidoo kale soo saaraysay boqoliiba 7 titanium-ka adduunka, oo loo isticmaalo dhismaha wax kasta oo laga bilaabo diyaaradaha ilaa xarumaha korontada.

Dhulka Ukraine sidoo kale waxaa ku jira keyd muhiim ah oo macdanta dhifka ah, oo ka kooban 17 walxood oo loo isticmaalo in lagu soo saaro hubka, marwaxadaha dabaysha, elektiroonigga iyo agabka kale ee muhiimka u ah dunida casriga ah.

Qaar ka mid ah keydka macdanta Ukriane ayuu ruushka qabsaday sida ay sheegtay Yulia Svyrydenko, wasiirka dhaqaalaha Ukraine, kheyraadka qiimihiisu yahay $350bn ayaa weli ku jira dhulalka ay Ruushku haystaan maanta.

Bbcsomali