Burco oo Qaaday Koobka Taageerada Ciidanka Qaranka
Berbera(Qaran news)- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera ayaa maanta sameeyay bannaan bax ballaadhan oo lagu taageerayay ciidanka Qaranka.
Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka degmada Berbera ayaa shacbiga uga mahadceliyay taageerada ay u fidiyeen Cuidanka Qaranka Somaliland.
Magaalada Burco oo iyadu shalay dadweynuhu isku soo baxeen, ayaa noqotay magaaladii dadweynaheedu sida ugu xamaasada badan ugu soo baxeen taageerada ciidanka Qaranka. Waxana la sheegay inay xataa Caasimada Hargeysa ay Burco ka qaaday koobka taagerada ciidamada Qaranka.
Sidoo kale, waxa hadh beelay deeqaha iskugu jira cuntada, sharaabka iyo dharka ee shacbi weynaha ku dhaqan gobollada dalku u geynayaan ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Oog ee Gobolka Saraar.
Waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay gobollada Sanaag iyo Awdalna isku soo baxyo noocan oo kale ahi ka qabsoomaan.