Ururka KAAH oo soo Dhaweeyay Isasaarka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha urur siyaadadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay aqbaleen hindisihii isa saarka doorashada ee ay soo saareen beesha bariga Burco.

Guddoomiye Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay inay u qaateen go’aamadii ergada danaha Qaranka dartii.

Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay inay garanayaan halka ay codka marinayaan.

Ururrada siyaasada ayaa intoodii badnayd ay soo dhaweeyeen go’aamadii ergada ee lagu soo afjarayey khilaafkii doorashooyinka.

Sidoo kale shacbiga Somaliland ayaa ku diirsaday go’aanka ergada.