Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md.Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon. kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii looga wada shaqayn lahaa Xeerka Saxaafadda Somaliland oo diyaarintiisu ay socoto si loo helo hannaan ay ku wada shaqeyn karaan dhamaan Hay’adaha uu khuseeyo xeerkaasi.