Waa been oo maalin la iguma xidhin Ingiriiska” Guddoomiye Xirsi

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin xadhigii xukuumadda Muuse Biixi fidinaysay in lagu xidhay Ingiriiska.

Guddoomiye Xirsi wuxuu caddeeyay in maalin aan la xidhin, isla markaana ay wax lala yaabo tahay in xukuumaddu ay dadkeeda la jeceshahay in la xidho.

“Qolada Kulmiye oo cadaawad muujinaysa arkayseen oo leh ‘Xirsi baa la xidhay’ la ima xidhin maalin cid wax i waydiisayna ma jirin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan.