“Dagaalka ayay xoolihii umaddu ku dhamadeen, waxaana loo baahanyahay in batroolkii dhakhso loo qodo. Waa in Xood amma Bahadhamal si degdeg ah loo gu dhuftaa, si dakhli loo helo.” Waa Xildhibaan Guurti ah, Quule ayaa la yidhaahdaa.

“Ciidanka waa in muqumadda iyo waxaas la ga daayo, oo milix iyo sonkor la isugu daro. Alaabtaas waxa la ga helaa ‘gubukoos’ – wuxu u jeedaa glucose.” Waa is la xildhibaanka hore uun ee batroolka qodaaya.

“Wadanka dhaqaalihii baa xumaaday uun baa la is ka leeyahay, laakiin maaha sidaas. Somaliland lacagtu waa ‘kidh’ meel kasta, wax kastana debedda ayaynu ka keensanaa marka loo baahdo.” Fiiro gaar ah, ‘kidh’ waa hadal ciyaal micnihiisu yahay waxaasi wuu buuxaa. Waa Xildhibaan kale oo Guurti ah, magaciisa ma aqaan, laakiin naanystiisu waa Shaadh.

“Walaalayaal, inaka ayaa nabadda ka shaqayn jirnay, dhamaanteen (hadii aynu Guurtida nahay) aynu Laascaanood wada tagno. Reer Sool waxan leeyahay qarankan idinka ayaa leh, idinka ayaa dhistay, nabadda qaata. Haa, nabadda qaata.” Waa xildhibaan kale oo Guurti ah, magaciisa ma aqaan. In uu hurdadii asxaabul Kaha foo kale ka soo kacay, oo wax dhacay iyo si xaal yahay ba aanu ka la ogayn buu u muuqdaa, keligii se ma aha.

“Waar orod oo bax. Na ga bax oo reerkiinii iyo deegaankiinii tag, oo nabadda aad sheegayso ka soo fuli.” Saleebaan-gaal oo u jawaabaaya xubin golaha ka mid ah oo gobolka Sool ka soo jeeda.

“Arrinta Laascaanood maxaad ka odhanaysaa?”, Wariye. Iyo, “Oo arrinta Laascaanood maxaa iga galay? Waar orod na ga tag.” Saleebaan-gaal.

 

Hadalada kuwaas ahi ma aha wax meel gaar ah iyo qol madow la isugu sheegay. Waa hadalo si public ah golaha Guurtida loo ga sheegay, amaba saxaafadda la gu la hadlay. Waxa sidaas oo kale ah, dadka noocaas ah, caqliyadda taas ah, maxaa la gu sheegi karaa? Jiilasha soo socdaa marka ay waxaas daawadaan, maxay qiyaastii ku tilmaami doonaan? Waxay doonaan ba ha ku tilmaameen ee manta uun yaa u sheega in aanay hadlin, oo weliba duco na loo gu daro. Waar yaa Ilaahay yaqaan. Ma waxaas baa aniga i matala oo afkayga ku hadlaaya???