
Xuseen Maxamed Baashe waxa uu 26-kii August 1975 ku dhashay gobolka Nzega, magaalada Tabora ee dalka Tanzania.
Wuxuuna siyaasadda uu ku soo biiray xilliyadi uu dugsiga sare ka baxay.
Waa siyaasi reer Tanzania oo ka tirsan xisbiga talada haya ee CCM, waana xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalkaasi oo 2015-kii deegaan doorashada Nzega laga soo doortay. Wuxuuna soo ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha.
Xuseen oo dalka Tanzania caan ka ah, siyaasadda ka sokoow waxaa lagu yaqannaa inuu yahay ganacsade weyn oo dhanka beeraha horumar ka gaaray.
Wax soo saarka beeraha dhaqaalaha guud ee dalka Tanzania wuxuu ka qaataa 65% halka wax soo saarka dalka Tanzania uu dhoofiyo 24% ay yihiin wax soo saarka beeraha.
Seddex meelood laba meel shacabka dalka Tanzania ku nool noolashooda waxay ku tiirsan tahay wax soo saarka beeraha.
Dhaqaalaha gaarka ah ee wasiirka ayaa sanadki dhammaaday ee 2021-ka waxaa lagu qiyaasay inuu gaaray $3-$5 malyan oo doollar, isaga oo dhaqaalahaasi ka sameeyey wax soo saarka beeraha.
Xuseen Maxamed. Baashe waxa hada laga qaaday xilkii wasiirka beeraha waana xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaasi






