Sir Gavin Williamson oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa laba maalin ka hor baarlamaanka dalkiisa hor geeyey sharci uu dalkiisa ku aqoonsanayo Somaliland, ayadoo hadafku yahay in meesha laga saaro caqabaddaha dhanka diblumaasiyadda ee ku horgudbanaa muddo badan aqoonsiga Somaliland.
Waxaa Xildhibaan katirsan xisbiga Conservative ee laga soo doorto South Staffordshire wuxuuna xildhibaan ahaa ilaa bishii Maajo 2010.
Waxaa uu sheegay xildhibaan Gavin in Somaliland ay wax badan oo horumar ah gaartay muddadii ay aqoonsiga raadineysay.
Waraysi uu siiyay BBCSomali.com, ayuu sidoo kale kaga hadlay dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka.
William waxaa sidoo kale sharcigan la riixaya Xildhibaano gaaraya ilaa 10 waxaana kala yihiin:
Ian Paisley
Waa Xildhibaanka Xisbiga Midowga Dimuqraadiga ee laga soo doorto Waqooyiga Antrim, wuxuu si joogto ah xildhibaan u ahaa tan iyo 6dii Meey 2010.
Ian ayaa sidooklaea ah Afhayeenka xisbiga ee dhanka Dhaqanka, Warbaahinta, Isboortiga,Bulshooyinka iyo Dowladda Hoose.
Waxaa uu ku dhashay magaalada Belfast ee ku taalla Ireland 12 Diseembar 1966, da’diisuna waa 56.
Kim Johnson
Waa xildhibaanad katirsan xisbiga shaqaalaha lagana soo doorto magaalada Liverpool, waxayna xildhibaana aheyd tan iyo 12 Diseembar 2019.
Waxay dhalatay 25 August 1966. Kim waxay horay u aheyd sarkaal ka shaqeeya horumarinta bulshada, ka hor inta aan loo dooran baarlamaanka.
Waxay shahaadada Dibloomada ka haysataa Shaqada Dhalinyarada iyo Bulshada.
Alexander Paul Thomas Stafford
Wuxuu dhashay 19 Luulyo 1987, xubin katisan baarlamaanka UK.
Waxaa laga soo doortay magaalada Rother Valley, wuxuu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 2019-ka.
Alexander Paul Thomas waa muxaafidkii ugu horeeyay ee loo doorto kursiga.
Sidookale waxaa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga muxaafadka ee dhinaca siyaasadda ilaa bishii Sebtembar 2022.
Wuxuu dhashay 1987, Alex Stafford wuxuu wax ku bartay Jaamacadda Oxford, isagoo horay uga soo shaqeeyay qeybta isgaarsiinta ee Shell, iyo World Wide Fund for Nature (WWF) ka hor inta aan loo dooran baarlamaanka.
Paul Christopher Blomfield
Waa xildhibaan katirsan baarlamaanka UK oo laga soo doorto bartamaha Sheffield tan iyo 2010.
Sanaddii 2022-ka, Blomfield oo hadda ku dhow da’da toddobaatan jir, ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu howlgab ka noqdo xubinimada baarlmaanka ee Westminster marka lagaaro doorashada guud ee soo socota.
Waxaa uu ku soo wax bartay Jaamacadda New York St John,
Paul Blomfield ayaa ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee UK.
Alec Edward Shelbrooke
Wuxuu dhashay 10-ka Jannaayo 1976,waa siyaasi muxaafid ah oo xubin ka ah baarlamaanka UK lagana soo doortay magaalada Elmet iyo Rothwell.
Alec Shelbrooke ayaa xildhibaan ahaa tan iyo 2010.
John Francis Spellar
Wuxuu dhashey 5-tiiAgoosto 1947, waa siyaasi Ingiriis ah oo xubin ka ah baarlamaanka UK lagana soo dorto magaalada Warley,
John Francis Spellar ayaa xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 1992.
Waa Xubin ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha, wuxuu hore u matalay magaalada Birmingham Northfield sanaddii 1982 ilaa 1983.
Alun Hugh Cairns
Alun Hugh Cairns wuxuu dhashay 30 Luulyo 1970 waa siyaasiga xisbiga Conservative Party ee baarlamaanka UK ku metela Vale of Glamorgan.
Wuxuu xildhibaan ahaa tan iyo 2010.
Dr Lisa Cameron
Waa Xildhibaanad ka tirsan Xisbiga Waddani ee Iskotishka ee laga soo doortay Bariga Kilbride, Strathaven iyo Lesmahagow, waxayna si joogto ah xildhibaan u ahayd ilaa 7dii Maajo 2015.Waxay dhalatay 8 Abriil 1972
Rt Sir Robert Buckland
Waa Xubin ka tirsan Xisbiga muxaafadka, waa Xildhibaan laga soo doorto South Swindon wuxuuna xildhibaan yahay tan 2010.
Buckland waxa uu ahaa Qareenka Guud ee England iyo Wales laga bilaabo 2014 ilaa 2019 iyo Wasiiru Dawlaha Xabsiyada laga bilaabo Maajo ilaa Luulyo 2019.
Clive James Charles Betts
Wuxuu dhashay 13 Janaayo 1950 waa siyaasi katirsan Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska waana dhaqaaleyahan hore.Sidookale Waa Guddoomiyaha Sanduuqa Xubnaha Aqalka Hoose.
Waa xubin baarlamaan oo laga soo doorta Sheffield South East ilaa 2010 isagoo hore u matalay deegaanka Sheffield Attercliffe intii udhaxeysay1992 ilaa 2010.