Weeraradan ayaa yimid kadib todobaadyo ay sii kordheysay xiisada u dhaxaysa dadka dariska ah ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka ah ee ka dhashay toogashada ka dhacday magaalada loo dalxiis tago ee Pahalgam.
Weerarkii 22-kii April ay qaadeen koox dabley ah ayaa lagu dilay 26 qof. Wuxuu ahaa weerarkii ugu xumaa ee lagu qaado dadka rayidka ah ee gobolkaasi muddo labaatan sano ah, waxaana uu caro ballaaran ka dhaliyay gudaha Hindiya.
Ra’iisul wasaare Narendra Modi ayaa sheegay inay ugaarsan doonaan tuhmanayaasha “ilaa dacalada aduunka” kuwa qorsheeyey iyo kuwa fuliya “lagu ciqaabi doono wax ka baxsan mala-awaalkooda”.
Si kastaba ha ahaatee, Hindiya ma aysan magacaabin koox ay uga shakisan tahay inay ka dambeeyeen weerarka ka dhacay Pahalgam, welina ma cadda cidda geysatay.
Balse booliiska Hindiya ayaa ku eedeeyay in laba ka mid ah ragga weerarka geystay ay u dhasheen Pakistan, iyada oo Delhi ay Pakistan ku eedeysay inay taageerto mintidiinta, halka eedeyntaas ay Islamabad beenisay. Waxa ay sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn weerarradii 22-kii Abriil.
Labadii toddobaad ee u dambeeyay, labada dhinacba waxay qaadeen tillaabooyin ka dhan ah midba midka kale – oo ay ku jiraan cayrinta dublamaasiyiinta, joojinta fiisaha iyo xidhitaanka xuduudaha.
Laakiin dad badan ayaa filayey in ay sare u qaadi doonto nooc ka mid ah weerarrada xudduudaha – sida la arkay ka dib weerarradii Pulwama oo ay ku dhinteen 40 askari oo Hindi ah sanadka 2019.