Waa maxay sababta Shaybaadhka Tayada Somaliland loogu wareejiyay Shirkadda gaarka ah ee COTECNA ?
15 March 2022, Wasaaradda Ganacsiga Somaliland waxay ku wareejisay Shirkadda COTECNA si ay u hubiso Tayada Cuntada, Daawada iyo agabka la isku qurxiyo (Cosmatics) Shirkadani waa mid Ajinabi ah, ma jiro tartan la shaaciyay oo lala galay waxa waajib ah in ay ansixinta heshiiska la geeyo Golaha Wakiilada Somaliland sida ku cad Dastuurka Somaliland Qodobka 53(3) lama fulin !
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu xadhiga ka jaray 14-09-2022 Shaybaadhka casriga ah ee hubinta tayada cuntada, daawada iyo agabka la isku qurxiyo (Cosmatics) oo Malaayin Dollar ku baxday, waa maxay sababta loogu baahday Shirkad ajaanib ah? maxaa loo galay kharashka? Shirkadan maxaa lagu xushay? yaa wakiil ka ah? qiimaha iibka Badeecadaha sidee ayay u saamaynaysaa ?
Hadda Saraakiisha joogaa marinada wax kasoo degaan waxay u baadhaan hab la eego Date-ka iyo dusha sare ee Alaabta soo degtay waxa laga qaadaa Koontinar kasta $7, Alaabta aan ku jirin Koontinar ee saaran Doon ama Markab waxa laga qaadaa $180, Lifaaqa hoose ka eeg COTECNA ?