
Laba qodob ayaa lagu eedeeyay abwaan Ismail Yusuf Abdi Jiheeye iyo weriye Cabdiqani Hussein Abokor Baylod, sida lagu sheegay xogta hordhac ah ee kiiskooda, kadib markii la horgeeyay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex. Waxa lagu eedeeyay qodobadda 220aad ee Xeerka Ciqaabta, oo ka hadlaya ceebaynta sharafta iyo sumcadda Madaxa Qaranka iyo qodobka 215aad, oo la hadlaya waxa uu ugu yeedhay xeerku kacdoon iyo dacaayaddo qaran-dumis.
Maxkamaddu waxay u jartay toddoba maalmood oo xabsi ku hayn ah, waxaana loo gudbiyey xabsiga weyn ee Hargeysa, iyaga oo laga soo qaaday xarunta dembi-baadhista Hargeisa oo ay ku xidhnaayeen.
๐๐๐ฑ๐๐ฒ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐ช๐จ๐๐จ๐๐๐๐๐ง๐ข?
Qodobka 220aad ee Xeerka Ciqaabta wuxuu dhigayaa in qofka si fagaare ah u ceebeeya sharafta iyo karaamada madaxweynaha Jamhuuriyadda ama saara canaan ama masโuuliyad la xidhiidha falalka dawladda, lagu ciqaabi karo xadhig u dhexeeya lix bilood ilaa saddex sanno. Taasi waxay ka dhigan tahay in qodobku aanu ku koobnayn oo keliya aflagaaddo qofeed, balse qoraalka xeerku ayaa si cad u xusaya inaan lagu canaanan karin ama la saari karin mas’uuliyadda falalka dawladda madaxweynaha.
Dhankiisa, qodobka 215aad wuxuu ka hadlayaa ciqaabta ka dhallanaysa dacaayad ama olole loo sameeyo ujeeddooyin waxyeellayna nidaamka siyaasaddeed ee dalka, bulsho ama dhaqaale ee qaranka, gaar ahaan marka dacaayaddu ku wajahan tahay in burburiyo hayโaddaha qaranka. Sidaas awgeed, ciqaabta farqadda koowaad waa hal ilaa shan sanno oo xadhig ah. Halka dacaayadda lagu doonayo in lagu burburiyo deganaanshaha qaranku ay ciqaabteedu tahay lix bilood ilaa laba sanno.
Sidaa darteed, marka qodobkan loo adeegsanayo kiis gaar ah, waxa muhiim ah in maxkamaddu qeexdo falka ama hadalka lagu eedaynayo qofka, ujeeddadiisa, iyo sida uu u buuxinayo shuruudaha qodobka, halkii magaca qodobka oo keliya lagu ekaan lahaa. Xeerka laftiisu wuxuu sidoo kale dhigaya mabdaโa ah in qof aan lagu ciqaabi karin fal aan sharcigu si cad dembi uga dhigin ama ciqaab aan shar





