Waa Toban iyo Kow bayd oo aan ka soo xulay Maansadii Sirta Nolosha, waa talo, tusaale, taakulo, iyo tabantaabo waayeel, qofka intaa qaataa wax badan ayuu xeerarka nolosha ka fahmayaa.

Taswiirtu waa Sahra iyo Aabbaheed Rashiid Cabdilaahi(Gadhweyne). Aqoonyahankeennu–Rashiid Gadhweyni–baryahan waa yara xanuunsanaa ee aynu u ducayno in uu Alle ammaansado.
Togag—
“Heedhee Sahraay heedhe
Curad suubbaneey heedhe
Summadii Rashiid yeelo
Iyo weynidii Saado
Iyo sawracii hooyo
Sinjigii hablaa geeska.”—Hadraawi
“Naftu seeto yey waayin
Hana falin sidaad doonto.”—Hadraawi
“Marka aad sunuud hayso
Waxa suuq mug-weyn yaalla
Ha la simin kitaab weeye.”—Hadraawi
“Ma qofkaa sitaa jooga.”—Hadraawi
“Ereyada saluuuggoo dhan
Kuma lihid Sahraay meella.”—Hadraawi
“Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii deynin.
Sisin iyo ku beer muufo
Iyo laanta saytuunka.”—Hadraawi
“Heedhee Sahraay heedhe
Dhulka iyo wixii saran
Sare iyo wixii laalan
Inta sudan intii seemman
Waxa jira sir iyo caadba
Rabbi qudha sax weedhiisa
Sida uu ku yidhi buuxi.”—Hadraawi
“Heedhee Sahraay heedhe
Badda iyo sulaaqeeda
Iyo buurta saysaaban
Onkodkiyo sawaxankiisa
Salowgiyo jibaadkiisa
Danabkiyo salsalihiisa
Sarka dhabanka duufaanka
Ha ka didin sawaxankooda
Duni kuu sakhiran weeye.”—Hadraawi
“Ha sarwicin qof kaa jeeda
Hana sugin nin kaa maarmay
Hana sigan mar mooyaane.”—Hadraawi
“Nin sitaba bar baa saran
Ninka sii sitaa jooga
Raggannimada sooceeda
Adigoo sagaal buuxshey
Hal ku seegay baa yaalla.”—Hadraawi
“Nin ku yidhi sinnaan mayno
Adna buri sarrayntiisa
Sidka waa wadaagtaane
Ma sagaashan baa tiisu.”—Hadraawi

Xuquuqda qoraalka Rashiid Gaballaax






