Waalidii Laascaanood ka socotay in ay gebogabo ku dhowdahay rajo ku saabsan ayaa soo muuqatay, waana wax fiican. Laba amuurood ayaa rajadaas xoojinaaya; maya ee sabab ba u ah dheh. Muuse waxa uu bilaabay in uu beelaha shirar gooni-gooni ah la qaato, oo ka baryo rag iyo hub in ay ku caawiyaan – reer hebeloow intaas oo wiil iyo qoryahoodii keena! Beesha Arab buu ku bilaabay oo Salaasadii 28 March la kulmay, Ciidagale na waa ku xigsiiyay oo Arbacadii buu gurigiisa ku qaabilay odayaal u badan kuwii isaga u galgeli jiray awalba. Taasi waxa ay muujisay, amaba aan idhaahdee sii kashiftay, xaqiiqadii soo muuqatay bilowgii dagaalka, taas oo ah in aanu ciidan haynin. Todobaad markii dagaalkan nacasnimada ahi bilaabmay, Muuse waxa uu ku khasbanaaday in uu qof kasta oo dirays xidhan meeshaas u diro – bilays, taraafig, xataa ciidanka dabdamiska qaar la ga qaaday.
Laba bilood markii uu ku dhawaaday, waxa uu bilaabay in uu yidhaahdo Reer-hebeloow rag iyo qoryo keena. Muuse iyo wasiiradii uu u yeedhay ee kulankaas la joogay, waa Siciid Sulub, Ex-Sheekh Cabdirisaaq Albaani, M. Kaahin, Cabdulqaadir Iimaan, Cabdilaahi Faarax iwm, dhamaantood luqadoodu mid keliya ayay ahayd – Daarood baa inala dagaalamaaya, inaku na (Isaaq), waa in aynu is difaacno. Eeg, Somaliland halkaas ayaa la is ka dhigay – waa reero is dilaaya, marka banaanka loo soo baxo na, qaranka ayaa la odhanayaa. Hadaba, runtu waxa ay tahay, ciidan beelo u soo ururinayaan ma jiro oo xaqiiqo ah. Natiijadu waa in dagaalkii istaagi doono; caqli ma ku istaagin ee dan baa joojinaysa. Wixii doonaa ha joojiyaan ee in aanu meeshaas wiil dambe ku dhimanin ayay faaiidada weyni tahay. Miisaaniyaddii ciidamada ee ta guud ka ahayd boqolkii afartanka, wax ku dhacay iyo meel ay martay waa amuur u baahan is weydiin dhab ah, waa se marka dagaalku istaago ee wiilasha dilkka u xidhan la soo badbaadiyo.
Xaqiiqada labaad ee rajada dhiigjoojinta ah abuurtay waa cadaadiska qaawan, ee qayaxan, ee Maraykan la soo baxay. Ciidankaaga Meesha ka qaad ayay ku yidhaaheen Muuse, warka inta ay faafiyeen na waxa aad u ga badan, oo ka kulul, inta ay gaarka u gu sheegeen. “Frank talking” hadii aad dublamaasi ka maqashid, luqadda soomaaliga waxa u gu dhaw hadal aan waxba la isu la hadhin. Dagaalka oo keliya in la joojiyo ma ay ku khasbin ee in uu doorashadii uu ilaa November ka meeraysanaayay qabto na, dhab ayay u gu sheegeen, isna waayahay ayuu yidhi. Habeenkii ba gudigii doorashada ayuu u yeedhay, waxaanu ku yidhi nimanyahow doorasho degdeg u qabta, lacagtii na waan idiin sii daynayaa. Marka aad dadkaaga diidid, wiil yar oo kumanaan mayl ka yimid baa qoorta ku soo qabanaaya, oo hore kuu tukhaantukhinaaya. Madaxda Soomaalidu caqli ahaan qaangaadh ma u aha, waxaanay wax gartaan uun marka ull weyn la la soo ag istaago, nin aan ogahay na dee tiradaba ku ma jiro.
Is ku soo wada duub, malaha barakada soonka awgeed, waxoogay rajo ah ayaa Somaliland ka soo muuqata. Ku duceeya in dagaalku dhakhso u istaago oo aanay xabbad dambe afka qoriga ka bixin idamka Eebbe.
Waxa Qoray Maxamed Haaruun Biixi