Asc dhamaantiinba, waan ka xumahay in caqliga dadka lagu ciyaaro oo waqti lagaga lumiyo wax aan jirin. Sawirkaas lagu sheegaayo Musharaxa Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed (Ciro) waa been cad. Muqaalka Sawirka AUN M. S. Barre iyo dharka la xidhan yahay waa qiyaastii dhamaadkii 50-kii ama horaantii 60-kii, sida la ii sheegay. Musharax Ciro imisa jir ayuu ahaa waqtigaasi? Waxa aan soo hubiyay in ninkaasi yahay AUN Warsame Cabdullahi Cali Camey (Warsame Indhoole) oo markaasi ku jiray Jamacada Bologna ee dalka Talyaaniga, markaas oo ay Siyaad ku kulmeen halkaasi. MSB xitaa muu aheyn Taliyaha Ciidanka Qalabka-sida ee Soomaaliya waqtigaasi iska daa madaxweyne eh. Qof ka mid ah qoyska Warsame waxa ay ii sheegeen in marxuun Warsame waqtigaas guursaday gabadh Talyaaniyad ah oo la odhan jiray Gabrielle, waan waqtiga uu Indho beeli doono qiyaastii. Markii denbe waxa uu ahaa Guddoomiye Ururka Iskaashatooyinka Soomaliyeed, waxa aanu la dhashay fanaanadii weyneyd ee Khadiija C/llaahi Daleys.

Ahmed Yare