Marka loo eego tafaasiisha ilaa hadda la shaaciyay ee ku saabsan cidda ka qayb galaysa wada-hadallada heer-farsamo ee Maraykanka iyo Iran uga furmaya magaalada Bergen ee dalka Switzerland, ergada wada-xaajoodka Iran ka socda ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha baarlamaanka Baqir Qalibaf.
Si kastaba ha ahaatee, Wafdiga Iran ee ka socda waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Arakchi, ku xigeenka Xoghayaha Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka Iran Ali Bagheri Kani, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Kazem Gharibabadi, iyo Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Esmail Baghai.
Wafdiga Mareykanka ee ka qeyb galaya wada xaajoodkan ayaa waxaa hogaaminaya madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance, halka uu ku wehliyo wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner, iyo ergeyga bariga dhexe Steve Witkoff.
Si kastaba ha ahaatee, dhanka Pakistan, Ra’iisul Wasaare Shahbaz Sharif iyo Field Marshal Asim Munir ayaa Pakistan u matali doona wadahadalka heerka farsamada ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran ee ka dhacaya Switzerland.





