
Qore : Wasiir Yoonis Axmed Yoonis.
Muddo dhowr toddobaad ah ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), safar shaqo ku joogay dalka Mareykanka, isaga oo codka Somaliland gaadhsiiyey fagaareyaal muhiim u ah siyaasadda iyo diblomaasiyadda caalamka.
Intii Madaxweynahu uu safarka ku jiray wuxu kulamo la yeeshay masβuuliyiin, xildibbaano, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Mareykanka, isaga oo si cad u soo bandhigay danaha Somaliland, xaqa ay u lee dahay aqoonsi caalami ah iyo muhiimadda istaraatijiyaddeed ee ay ku lee dahay gobalka.
Safarkani, wuxu ahaa tallaabo muhiim u ah ballaadhinta xidhiidhka caalamiga ah iyo kor u qaadista doorka Somaliland. Waxa uu dunida xasuusiyey jiritaanka dal leh hayβado dawladnimo oo dhisan, nidaam dimuqraadi ah, nabad, iyo xasilooni, diyaar na u ah iskaashi ku dhisan dano wadaag.
Dedaalka uu maanta hoggaaminayo Madaxweyne Cirro, wuxu saldhig u yahay fursadaha berri. Guusha laga rajeynayo siyaasadda dibaddu se waxay ku xidhan tahay oo u baahan tahay taageero gudaha ah, wadajir qaran iyo in danta guud laga hormariyo kala duwanaanshaha siyaasaddeed.
Ugu dambayn, waxa aan boggaadinayaa shacabka Somaliland ee garab istaagay Madaxweynaha iyo safarkiisa shaqo. Waxaanan lee yahay dawlad haday tahay iyo weli ba muxaafad iyo mucaarad ba, ururada bulshada iyo shacabba waxa ina saaran masβuuliyad ah inaynu ilaalino nabadda iyo xasiloonida, isla markaana dunida tusno inaynu nahay qaran isku kalsoon oo u taagan mustaqbalkiisa.
Midnimadeenu waa awoodeena,
Wada-jirkeenu na waa jidka guusha.
Guul Somaliland.





