Wadahadallo Dhinacyada ku Diriraya Suudaan uga Furmaya Sucuudiga

JIDAH(Qaran)-Saraakiil ka socota ciidammada dalka Suudaan ayaa dib ugu laabtay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga si ay wada hadallo ula yeeshaan ciidamada RSF ee ay isku hayaan xukunka dalkaasi sida ay soo tabiyeen wakaaladaha wararku.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada RSF ee sida millatariga u tababaran inay ku noqonayaan magaalada Jiddah si ay uga qayb qaataan wada hadalka labada dhinac oo ay hakyeen dawladaha Sucuudiga iyo Maraykanku kadib markii dhowr jeer oo is xigxiga meel lagaga dhacay heshiisyadii xabbad joojinta.

Geesta kale wada hadallo dhexdhexaadin ah ayaa waxa iyaduna dhinaceeda ka bilawday maalintii khamiistii dalka Masar, dadaalkaasoo ay soo dhaweeyeen ciidamada Millatariga dalkaasi SUudaan, oo ay isku dhow yihiin Masar iyo ciidamada RSF laftooda.

Bishii April 15keedee sannadkan loollan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya taliyaha millatariga ee dalkaasi Abdil Fataax AL Burhaan iyo ku-xigeenkiisii hore haddana ah taliyaha kooxda RSF Maxamed Xamdaan Dagalo oo loo yaqaanno Xamiidatii ayaa isku beddelay dagaal xooggan, kaasoo illaa hadda ay ku dhinteen ugu yaraan 3 kun oo qof isla markaana ay ku barakaceen in ka badan 3 milyan oo qof.

Weftiga hadda tagay Sucuudi Carabiya ayaa calaamad u ah in millatariga dalkaasi ay dib ugu soo noqdeen dadaalladii dhanka diblomaasiyadda, kadib markii ay qaaddaceen wada hadallo loo ballansanaa in la gu qabto dalka Itoobbiya kuwaasoo ay marti galiyeen ururka IGAD ee bariga Afrika.