Wadanka waxa ragaadiyay khilaaf siyasadeed oo gacan-ku-samays ah, shaqaaqo baahsan, isku dhacyo beeleed & Dagaal sokeeye oo aan midnaba xalkoodu muuqan

Ku dhawaad kun wiil oo dhimasho iyo dhaawac ba leh, oo dhaawaca na in badan oo ka mid ahi tahay naafo inta cimrigooda ka hadhay, oo la gu dul tuuray qoysaskii ay dartood halista u galeen, dib na cidi aanay u xasuusan doonin iyaka iyo kuwa dhintayba, ayaa maanta 18 May dan ka maqan. Wadanka waxa ragaadiyay khilaaf siyasadeed oo gacan-ku-samays ah, shiqaaqo baahsan, is ku dhacyo beeleed iyo dagaal sokeeye oo aan midnaba xalkoodu muuqan. Sidaas oo ay tahay, Dhahar wuu faraxsanyahay, wuu hanjabayaa, wuu hadrayaa, wuu hadlayaa oo is ka hadlayaa. Ninka tolkii aamini waayay beesha caalamku maxay u qaban ku lahaa? Tolka aad sheegaysaa waa kee; hadii la gu yidhaahdo, waa hubaa wax uu ku jawaabo in aanu aqoonin. Muuse waa Muuse!

Waxaa Qoray:-Maxamed Haaruun Biixi