
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, ayaa qoraalkeeda ku aaddan geerida hoggaamiyihii sare ee Iran, Ali Khamenei, waxa ay mar kale ku cambaaraysay weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil, intii lagu jiray wadahadalladii dublamaasiyadeed ee Tehran iyo Washington ee ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Weerarradii ugu dambeeyay ayaa dhacay iyadoo Cumaan ay dhexdhexaadinaysay wadahadallo u dhexeeya Washington iyo Tehraan, iyadoo wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada lagu qabtay Geneva 26-kii Febraayo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Arakchi ayaa sidoo kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in dariiqa Khamenei “uu sii socon doono”.





