Halka caalamka horu maray dadkoodu mudaharaad ka sameeyaan oo diidaan in xaafadahooda laga dhex sameeyo wado wayn, ayay dadkeenu doonaan in xaafadahooda laga dhex sameeyo wado wayn oo aan u wanaagsanayn dhaqaalaha xaafada waayo waxaa mara baabuur qulqulaysa oo ku socota xawaare sareeya oo aan dukaamada waxba ka iibsanayn meelaha laga cunteeyana aan is taagayn, oo aan u wanaagsanayn caafimaad kooda waayo baabuurtu waxay hawada ku sii daayaan qiiq sun noqon kara, oo halis ku a caruurta iyo waayeelka wadada ka talaabaaya.

Waxaan bulshada Somaliland kula talin lahaa inay xaafadahoodu u ahaadaan goobo bilaa xasarada oo ay baabuurtu ku yartahay.
meheradahana ka furta is goysyada xaafadihiina.

Eesh qiyaasak, khibratul fuujiya. illaahay ha idin fahansiiyo.
By Cabdilqadir Ismaaciil Geelle