
Sawirka madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Mohamed Abdullahi Cirro ayaa xalay ka soo muuqday jiddka halbawlaha ee caasimadda dalka Itoobbiya ee Addis Ababa taasi oo qayb ka ah soo dhaweynta madaxweynaha Somaliland oo hada booqasho rasmi ah ku jooga dalka Itoobiya.
Itoobiya iyo Somaliland ayaa wadaaga xuduud dheer oo nabdoon iyo ganacsi xoogan, labada dalna waxa ka dhaxeeya xidhiidh rasmi ah oo qoto dheer






