Wafti ka socday Baanka Adduunka oo uu hoggaaminayey Raghava Neti una socday Mashruuca Groundwater for Resilience ee ay maalgelinayaan, Wasaaradda Biyaha JSL-na fuliso ayaa soo gaadhay Wasaaradda Biyaha. Waftigu waxa ay la kulmeen unugga fulinta Mashruuca oo uu hoggaaminayey Eng. Hamse Hussein, kana warbixiyey waxqabadka iyo qorshayaasha Mashruuca.
Sida oo kale, waftigu waxa uu la kulmay Wasiirka Wasaaradda Abubakar Cabdiraxman Good iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda AadanCabdilaahiCabdille, iyaga oo bogaadiyey dadaalka socda. Ugu dambaynna, waxay booqdeen dhismaha cusub ee xarunta u noqonaya Mashruuca.