Burco, (Qaran news)-Waxa shalay galinkii danbe magaaladda Burco gaadhay wafti balaadhan oo uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u diray magaaladda Burco si ay kulan balaadhan ula yeeshaan beesha Habarjeclo maadaama ay doorashadii madaxweynahu fooda inagu soo hayso.
Waftigani waxa hogaaminaayay gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Marwo Rooda iyo xubno badan oo mihiim ah
Hadaba Samaale oo ku hadlaayay magaca xisbiga Kulmiye isla markaasina wakiil ka ah madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la xidhiidhay gudiga beelaha Habarjeclo iyaga oo ka codsaday in ay la kulmaan oo ay is xog waraydtaan.
Gudiga beelaha Habarjeclo ayaa gabi ahaanba diiday in ay waftiga Samaale la kulmaan waxana aakhirkii gudigaasi ku qancisay in ay wixii arin ah ee khuseeya beesha ay kala hadlaan salaadiinta beelaha Habarjeclo.
Waxa ay wararka ay helayso shabakada Qaran news sheegayaan in Samaale uu xidhiidh toos ah la sameeyay salaadiinta Habarjeclo isga oo ka codsaday in ay is xog waraystaan madaama ay doorashooyinkii fooda inagu soo hayaan siiba doorashadii madaxweynaha.
Waxana ay salaadiinta Habarjeclo ka cudur daarteen kulankaasi uu Samaale dalbaday isga oo ka wakiil ah madaxweyne Muuse Biixii, waxana ay u sheegeen in ayna suurto gal ahayn in ay arkaan Samaale iyaga oo sheegay in ay ku mashquulsanyihiin hawlo beesha u gaar ah oo deegaanadooda ah.
Samaale iyo waftigiisa ayaa laga yaabaa in ay la kulmaan dad reer Burco ah oo la sheegay in ay khajilaada iskaga biinayaan oo ilaa caawa laga ururinaayay suuqyada magaaladda kuwaasi oo la sheegay in ayna ku hadli karin magac beelaha Habarjeclo
Gabiba gobolka Togdheer siiba maagaalada Burco ayaan wax niyad ah u haynin xukuumadda Muuse Biixi taasi oo ay kala midaysanyihiin dhamaanba goboladda dalka oo dhan oo ka soo hor jeeda in mar labaad uu xilka ku soo laabto hogaaminta xukuumadda Somaliland.
La soco wixii ka soo kordha waftigaasi