Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdalle Maxamed Carab ayaa qaabilay wafti Sare oo uu Hogaaminayo Kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Somaliland iyo Somalia Mr. James Swan.

Waftiga uu hogaaminaayo James Swan ayaa dalka booqasho ku yimid waxana ay xukuumadda oo uu matalaayo wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab ay ka wada hadleen sidii loo xoojinlahaa xidhiidhka labada dhan ka dhaxeeya siiba amniga