Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed oo kusoo Dhoweeyey Dalka Jabuuti Wafti Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale Isaggu Jira…


Wakiilka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kusoo dhoweeyey wafti sare oo ka socda dawlada Somaliland, kuwaoo u xildhibaano iyo masuuliyiin kale isaggu jira.
Waftiga xildhibaanada iyo madaxda kale, isaggu jira, ayaa waxa dalka Djibouti kusoo dhoweeyey Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, kaasoo ku qaabiley garoonka Diyaaradaha ee dalka Djibouti, sidoo kalena waxa uu xubnaha waftiga ku qaabilay Safiirku gudaha Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Djibouti oo ah mid heer caalamiya.
Xubnaha waftiga hoggaaminaya, ayaa waxa kamid ah Xildhibaan Cabdilahi Muuse Xildhibaan Cabdilahi Gacmo-dheere, Badhasaabka gobolka Seleel iyo xubin kale oo Ganacsato ah.
Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa waftiga u fudaydin-doonaa hawlaha shaqo ee ay leeyihiin, isaggoo la kulansiin doona masuuliyiinta ay hawl wadaagta yihiin.

Xogreeb