Wakiilkii hore ee Somaliland u Fadhiyay Kenya oo ku Baaqay in la Aqbalo Go’aamada Ergadu soo Saartay
Hargeysa(Qaran news)-Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyay Kenya, Baashe Cawil, ayaa ku baaqay in la aqbalo go’aamadii ay soo saareen guddida isu-xilqaamay khilaafka doorashooyinka Somaliland.
qoraalka uu soo saaray danjire Baashe Cawilna wuxuu u qornaa sidan:
“Mar haddii dhinacyadii arrintani khusaysay ay markii horeba ka aqbaleen ergada hawshan gashay in ay ku kalsoonaanayaan wixii goaamo ah ee ay soo saaraan, kalsooni buuxdana siiyeen.
Waxa iminkana la gudboon in dhinacyada hawshani khuseeso aqbalaan go’aamadan ay kasoo saareen khilaafka taagan.
Haddaba Waxaan si mug leh iyo miisaan leh u taageerayaa, una arkaa inay Maanta tahay maalin kale oo Wax-garadkeenu Taariikhda ku galeen in ay Qaranka ka badbaadiyaan dhibaatooyin Dhaqan dhaqaale oo ay bulshadeenii reer Somaliland waajahayeen sanadihii u dambeeyay, sidaas darteed xaajo walba oo kale oo ay xisbiyo, ururo, muxaafad iyo mucaarad ay si gaar ah u rabeen waa inay ku liqaan una hoggaansamaan go’aamada Salaadiinta iyo Waxgaradka Habarjeclo isku xil qaameen ee ay caawa oo ku taariikhaysan 27kii August, 2023 ay ku soo saareen go’aamadaas.”