Wakiillada iyo Hay’adda Shaqaalaha oo ka Shiray Xeerka Xaq siinta

Hargeysa(Qaran news)-Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Kulan Isbarasho iyo Isxogwareysi ku Saabsan Naaqishada Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawlada ku Qabatay Hotel Casood.

Kulankan oo Hogaaminayey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqalaha Dawlada Mudane: khalid Jaamac Qodax ayaa ka warbixiyey Ahmiyada uu Xeerku u leeyahay dhamaan shaqaalaha dawlada khaasatan shaqaalah Hawl-gabka Noqday, sidoo Kale Agaasimaha Hay’adda shaqalaha ayaa soo jeediyey hadalo Faahfaahsan oo khuseeya Mabaadida xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta shaqalaha dawlada.

Dhanka kale Guddida Arrimaha Bulshada oo Hogaaminayo Gudoomiyaha Guddida Mudane: Ahmed-khaliif Jamac Saalax Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Ahmed Cabdi Ducaale Walhad ayaa Su’aalo khuseeya Xeerka Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqalaha Dawlada ka weydiiyey Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha iyo Teamkiisa.

Gabogabadii Waxa laysla Qaatay in si Qoto dheer looga shaqeeyo Xeerkan oo ah mid Waxtar uleh dhamaan Shaqalaha dawlada JSL isla markaana lasii wado wadashaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac

Kaso Qeyb-galaaysha dhanka Ha’aydda shaqalaha Dawlada
1- Khalid Jama Qodax
2- khalid mirre
3- Roble Mahamed
4- Suleiman Maygag
5- Abdirahman Ali Hirsi
6-Abdisalam Muse

Dhanka Guddida Arrimaha Bulshada

1- Ahmed-Khaliif jama Salah
2- Ahmed Abdi karem ducale
3- Ibrahim (khadar Guun)
4- Abdirisaq Siciid Ayanle
5- Caydiid Xiis Caydiid (sec..)