Walax aan la aqoonsan oo ku dhacday Markab shidaal marayay meel u dhow Cummaan

Hayโ€™adda UK ugu qaybsan Hawlgalka Gancsiga Bahdaha ayaa ku sheegtay in markab shidaal sid ay ku habsatay walax aan weli la aqoonsan, xilli uu marayay qiyaastii meel 20 km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Liwa ee Cummaan.

Sida uu sheegay masโ€™uulka amniga ee shirkadda leh markabka, walaxda ku dhacday waxay waxyeello u gaysatay qolka matoorka, taasi oo sababtay in markabku aanu mar dambe awoodin in uu iskiis u sii wato safarkiisa.

Ciidanka ilaalada xeebaha ee deegaanka ayaa lagu wargeliyey dhacdada, waxaana ay masโ€™uuliyiintu bilaabeen baaritaan ku saabsan weerarka.