
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ข๐ฅ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ง ๐๐๐ง๐ฒ๐๐ง ๐๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ญ๐ข ๐๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฌ๐ก๐๐๐๐ฒ๐๐๐ฅ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐๐๐ฆ๐ข๐ง๐๐ฒ๐จ
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Mudane Mpuru Aburi, oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Kenya kana soo jeeda deegaanka Tigania East, isaga iyo wefti maalgashadayaal ah oo uu hoggaaminayey.
Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mudane Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Kenya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, maalgashiga, fursadaha dhaqaale iyo horumarka ee faaโiidada u leh labada dal iyo labada shacab.
Madaxweynuhu waxa uu soo dhaweeyey danaynta iyo booqashada weftiga, isaga oo adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka go’an tahay dhiirrigelinta iskaashiga gobolka, soo jiidashada maalgashiga iyo abuurista jawi ku habboon koboca ganacsiga iyo horumarka.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Somaliland ay tahay dal u furan maalgashi iyo iskaashi heer kata, isla markaana ay soo dhawaynayso cid kasta oo danaynaysa in ay maalgashato khayraadka kala duwan ee ay Somaliland hodanka ku tahay.
Dhankiisa, Mudane Mpuru Aburi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad naqay soo dhaweynta, isaga oo xaqiijiyey in ay ka go’an tahay in uu Somaliland si dhow ugala shaqeeyo xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Kenya, isaga oo carrabka ku adkeeyey in uu shaqsi ahaan door firfircoon ka qaadan doono horumarinta arrimaha mudnaanta u leh labada dal iyo danaha ay wadaagaan labada shacab.





