Hay’adda ICAO oo Maamulka Hawada ka Wareejisay Soomaaliya

Hargeysa(Qaran news)-Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Hay’adda Duulista Soomaliya ay lumisay Maamulkii hawada ee laga hagayey diyaaradaha.

Warku wuxuu intaas ku daray in Hay’adda ICAO ay ka xumaatay murankii iyo qaab daradii ay sameeyeen maamuleyaasha madaarka Muqdisho iyo Hay’adda Duulista Soomaaliya.

Sidaas darteed, Hay’adda ICAO ay hadda ka dib iyadu toos ula hadli doonto diyaaradaha dul maraya hawada Soomaaliya, si meesha looga saaro qaska hawada ay ka samaysay Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa guul u ah Somaliland oo iyadu 12kii bishan March bilowday inay hawadeeda toos u maamulato, iyadoo saxday Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland gefaf ay Soomaaliya samaysay shilal keeni dhallin gaadhay markii ay diyaarado siiyay joog isku mid ah. Taasi oo diyaaraduhuna ka muujiyeen cabasho xoog leh oo ay u gudbiyeen dalalkoodii iyo Hay’adda ICOA.