SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedeeysay in ay dhibaato dil iyo burburin leh ka gaysatay Laascaanood
whatsapp sharing button
email sharing button

Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah isimada SSC ayaa lagu sheegay in Somaliland ay dishay boqollaal qof, isla markaana ay magaalada Laascaanood burbur ka gaysatay.

Afhayeen u hadlay SSC oo warbaahinta u akhriyay warsaxaafadeed kasoo baxday kulanka, ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay Laascaanood ku dishay shacab tiro badan, burburna u gaysatay.

“Somaliland mudadii ay ku jirtay duulaanka ay kusoo qaaday Laascaanood waxa ay ku dishay 500 oo qof, oo anay u kala eegin mid dagaalamaya, mid waayeela, mid caruura iyo mid si amniya u jooga, waxayna ku dhaawacday dad gaadhaya 3000 oo qof” ayuu yidhi afhayeenku.

Waxa uu Somaliland ku eedeeyeen in ay Laascaanood xoog ku haysatay mudadii ay joogtay isla markaana ay dad ku laysay magaalada iyo deegaanada kale ee gobolka Sool, dadkaasi oo ka koobnaa, waxgarad, tijaar iyo siyaasiyiin. Somaliland dhankeeda waxay sheegtay in dadka ay laayeen kooxo argagixiso ah.

Waxa uu intaa ku daray in kadib markii ay bulshadu ka kacday dilalkii isdaba jooga ahaa ee magaalada ka dhacayay, ay ciidamada Somaliland laayeen dad mudaharaadayaal ah oo shacab ah, intaa kadibna ay Somaliland magaalada duqaysay oo ay madaafiic waa wayn la dhacday.

Waxa uu sheegay in dadka magaalada ka qaxay ay dhanyihiin 300,000 oo qof inkasta oo hay’addaha caalamiga ahi ilaa 180,000 ku qiyaaseen dadka qaxay, waxa uu intaa ku daray in ay xidhmeen dhamaan goobihii waxbaraashadu.

Ugu danbayn, beesha caalamla, Qaramada Midoobay iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ayuu ka codsaday in ay Somaliland ku qanciyaan in ay ciidankeeda kala baxdo dhulka SSC.

Hadhimo-sharafeed

Madaxweynaha Jubbaland , Axmed Madoobe ayaa kulan qado ah la qaatay Isimmada dhaqanka SSC-Khaatumo oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Muqdisho.
“Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan Gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.” ayaa lagu yidhi qoraal uu baahiyay xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.
May be an image of 12 people