WAR-SAXAAFADEED: Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka Hadashay Dagaal ka dhacay Deegaanno kala duwan
Hargeysa(Qaran news)- Waxaa saaka soo weeray dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, Kooxda Argagixisada ah, Huwanta ka Dagaalanta bariga Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxay gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul.
Kooxaha Huwanta ah ayaa caaddaystay in ay weeraro joogto ah ku soo qaadaan dadka shacabka ah ee degaanada Buq-dharkayn iyo Qorilugud.
Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay,waxayna difaacayaan karaamada iyo sharafta dadkooda shacabka ah.”