War-saxaafadeed Xisbiga WADDANI kaga hadlayo Arrimaha Murugsan ee Dalka ka aloosan oo uu diray Bulshada Caalamka

Xisbiga WADDAN ayaa beeniyay warka xukumadda BIixi la wadaagtay Beesha Caalamka ee ku aaddan in ay xisbiyada mucaaradka ah kala soo xidhiidhay sidii loo wada hadli lahaa. xisbigu waxa uu meesha ka saaray in uu wax wada hadal toos ah la galo xukumadda maaddaama wada hadalladii hore noqdeen kuwo aanay waxba ka hir gelin.

mawqifka xisbiga wadani ee ku aadan khilaafka siyaasadeed eeu dhexeeya xukumada iyo mucaaradka iyo xadhiga sharci darada ah ee asxaabta qaranka, taageerayaasha iyo saxafiyiinta.
anagoo tixraacayna warsaxaafededkii xukuumada somaliland sii daysay 11 June 2022 waxaanu si cad u beenaynaynaa qoraalkaas oo ay ku sheegen inay la xidhidheen xsaabta mucaaradka ah kalana xidheedheen banaanbaxyadii dhacay 9kii june 2022
nagalamay xidhiidhin arintaas iyo waxkale toona
waxaanu canbaaraynaynaa jidhdilka iyo rasaasaynta loo gaystay dadkii mudaharaadayey
sidookale waxanu cambaaraynaynaaa isticmaalka dadkii lagu isticmaalay rasaasta nool iyo xadhiga lagu xidhay axsaabta mucaaradka qaranka iyo taageerayaashii axsaabta iyo saxafiyiinta dalka taas oo ah jariimad laga galay dadkaas kan soo horjeeda dastuurka somaliland
waxay habdhaqamadaa sharci darada ah ee ah qaabkii kaligiii talisyadu u talin jireen wiiqaysaa xasiloonida iyo wadajirka shacabka somaliland.
Qodobka 32 ee dastuurka somaliland ayaa muwadinkastaba u damaanad qaaday xuquuda banaan baxa iyo cabashada
isla qoraalkaas oo ay xukuumadu ku sheegtay inay soo dhawaynayso wadahadal waa wax ah marin habaabin iyo wax kama jiraan
wada hadaladii aanu la galnay xukuumada ee hore waxaa noga cadaatay inaanay inanay xukuumadu ujeedin in xal siyaasi ah la gaadho iyo fulintii waxyaabihii hore ee lagu heshiiyay
xukuumada iyo madaxweynuhu waxay u wajaheen wadahadaladaas si jees jees ah oo ay ugu tala galeen in wakhtiga lagu lumiyo si doorashadii 13 Nov 2022 inoo astaysnayd ee madaxtooyadu dib ugu dhacd madaxweynuhuna uu mudo kordhin ku helo.
xukuumadu waxay is ticmaashay cadaadis iyo tabo ka fog cadaalada iyo daacadnimda si ay u casisho xubnihii hoer ee gudida doorashooyinka qaranka.
waxa xisbiga wadani cadaynayaa inaanay jiri karayn doorasho ka horaysa ta madaxtooyada inagu waajiban 13 Nov 2022 aanay aqbali doonin
si aanu u dhiirigelino xal gudaheena ka unkanma axsaabta mucaaradku waxay soo dhawaysay ergadii 31 xubnood kak tirsanayd ee lahayd salaadiinta culima, awdiinta, iyo ganacsatada lahayd waxaanay kalsooni buuxda usiisay inay dhexdhexaadin karto khilaafkaas.
waxa ayaan daro ah in madaxweynuhu weli ka dhaga adaygayo lakulanka gudida ergadaas ah welina aanuu siinin kalsoonidiisii
ugu danbayn xisbiga wadani wuxuu cadaynayaa dhexdhexaadis kaasi aanu bilaabmi karin wadahadalna aanu la gelidoonin inta ay xidhanyihiin xubnaha sida sharcidarada ah ku xidhan.
hadii lasii dayn waayo muwaadiniintaas mudaharaadyadii 9kii june lagu xidhay waxa xisbiga wadani si degdeg ah ubilaabi doonaa mudaharaado heer qaran ah.