Waxa aan daawaday waraysi luxdan oo Xasan Galaydh oo la Yeeshay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Runtii waxuu ahaa waraysi aan odhan karo waxuu ahaa mid ay ka muuqatay daah furaan dhiiranaan iyo weliba geesinnimo cheered ah.

Waxa muuqatay weriye Galaydh inuu u qaaday si aqoon sare leh oo xirfadi ku ladhantahay, wasiirkuna uga jawaabay si qurxoon oo deganaan dheeraad ah leh
Ma dhicin mana maqal masuul xil haya oo khalad xukuumada uu xilka u hayay gashay oo intuu qiray weliba raalli gelin ka bixiya.

Weriyuhu waxa uu ku celceliyay hadalo waqtigii mucaaradka wadani ahaa iyo arrimo dhacay.
Xisbi kasta oo mucaarad ah wax badan oo afkooda ka soo baxa waxa u diida waaqica marka talada dalka loo dhiibo, hubaalna waxa ah dadka Reer Somaliland way ka siman yihiin ilaalinta jiritaanka qaranimada somaliland.

Waxa kale oo aan arkaayay dad dhaliilaya waraysigaas Wasiirka oo weliba qaarkood leeyahay inuu sii ogaado bay ahayd si uu I sii diyaar garoobo wasiirku, ma jiro waraysi isaga oo qodobaysan la sii sheegaa waxa se wariyhu ku odhanayaa qofka masuulka ah waxaan wax kaa weydiinayaa xaalada guud ee dalka hadii aanu weliba kedis kugu qaban weriyuhu.

Markuu ka hadlayay socdaaladii Madaxweynuhu Debedda ugu baxay waxuu oga hadlay si geesinimo iyo runi ka muuqata,somaliland siyaasada Arrimaha way ka aradnayd oo waxaad moodaysay inay cid kale hagto, waxa ii muuqata in Madaxweynuhu ka jebiyay katiinadii ku xidhnayd siyaasada Arrimaha Debedda ee somaliland, wadan waliba siyaasadiisa iyo cida uu Xidhiidh ka la yeelanayo isagaa u xor waa hubaal in Qatar iyo UAE Xidhiidh leeyihiin Masar iyo Ethiopia leeyihiin inaguna siyaasiyiinta iyo madaxdu odhan jireen wadan hebel hadaan la hadalno wadan hebel baa xanaaqaya sidii wadan aan keena ahayn u Shaqeeyaan

Waan bogaadinayaa Wasiirka Madaxtooyada sida hufan ee geesinimada leh run sheega ah ee uu ku bodily waraysigaas, waxaan kale oo bogaadinayaa weriye Galaydh.
Waxaan kale oo bogaadinayaa soona dhowaynayaa wadada cusub ee loo siyaasada Arrimaha Debedda
Waxa muuqata inay ku salaysan tahay danta dadka iyo dalka waana hubaal in aqoonsi buuxa ka dhalan karto
Diblomaasiyada waxa diirada la saaraa sidii looga faaiidaysan lahaa is diidooyinka iyo masaalixda wadamada dunidu kala leeyihiin.

Ibrahim Duale Sulaiman
Tallaabo