Warbaahinta All Israel News ayaa si qoto dheer u falanqaysay saamaynta siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee xidhiidhka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israa’iil, kaas oo ay ku tilmaantay mid si xawli ah u sii xoogaysanaya isla markaana si weyn u saamaynaya isu-dheellitirka awoodaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay, waxa kale oo ay sheegtay in lix bilood ka dib markii Israa’iil ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland, uu xidhiidhkii labada dal galay marxalad cusub, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo diblomaasiyad. Sida lagu sheegay warbixinta, bishii May danjirihii ugu horreeyay ee Somaliland si rasmi ah ugu magacawdo waddan shisheeye ayaa Madaxweynaha Israel ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay ku taallo goob juqraafi ahaan muhiim ah oo ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo ka mid ah marinadda-biyaha ee ugu mashquulka badan ee ganacsiga caalamiga ah. Sidoo kale waxa lagu xusay in goobtan istaraatiijiga ah ay Somaliland siisay muhiimadda juquraafiyadeed oo si wayn u sii kordhaysa xilli ay dunidu diiradda saarayso amniga marinnada badda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in iskaashiga amni ee labada dal uu si weyn u sii ballaadhan tan iyo 26-kii December 2025. iyadoo la sheegay inay jiraan wada-shaqayno xoogan oo la xidhiidha iskaashiga amniga, tababarrada iyo la dagaallanka khataraha. Waxa kale oo ay sheegtay in sarkaal ka tirsan Somaliland oo la hadlay warbaahinta Israa’iil uu xaqiijiyay in xidhiidhka labada dhinac aan wali si buuxda loo shaacin, balse uu ku salaysan yahay dano istaraatiiji ah oo ay wadaagaan labada dhinac.

Sida lagu sheegay warbixinta, Falanqeeyayaashu Caalamiga ah ee arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in xidhiidhkan sii xoogeysanayaa uu saamayn muuqata ku yeelan karo siyaasadda gobolka, ganacsiga badda, maalgashiga iyo iskaashiga amni ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Isla markaana isbeddellada ka socda gobolku ay si cad u muujinayaan in khariidadda diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika ay gashay marxalad cusub, halka xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil lagu tilmaamay mid ka mid ah qodobbada ugu saamaynta badan ee qaabayn doona mustaqbalka gobolka sannadaha soo socda.