“Afartii sano ee u danbeeyay, Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda waxa ku jiray Madaxa Dawaynta iyo Caafimaadka Shaqaalaha halkee la mariyay ?
2019: 3,500,000,000 ($ 583,334 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000)
2020: 3,500,000,000 ($ 583,334 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000)
2021: 4,000,000,000 ($ 666, 667 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000)
2022: 4,000,000,000 ($ 666, 667 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000)
Marka laga tago Lacgta ku jirtay Miisaaniyadda, Saddexdii sano ee u danbeeyay waxa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda si joogta ah ah looga jaraayayaanay lacagtaasi lacag lagu sababeeyay in ay tahay Sanduuq lagu Taakulaynaayo Shaqaalaha Xanuunsansada ama dhibi soo gaadho, yaa laga Taakuleeyay lacagtaa? 3 Sano imisa Shaqaale ah ayaa laga caawiyay? maxaa loogu baahday lqcagta dheeraadka ah ee Shaqaalaha lagu wargeliyau in laga jaraayo Sannadka cusub?
Tusaale ahaan: Darajada A: mushaharkiisa: 2,850,000. Lacagta laga goostay: 20,000 SLSH, Tirada Shaqaalaha Wasaarada Maaliyadda waa 2000 oo Shaqaale ah. Haddii aynu ka soo qaadno celcelis ahaan 1,500 oo Shaqaale oo bil walba laga goosanayay 20,000 SLSH, Bishii waa 30,000,0000 Milyan. Sanadkii waa 360,000,0000 Milyan. 3 dii sano na waa 1 Bilyan iyo 80 milyan oo u dhiganta $180,000.
Waxa intaa dheer, wiigii hore waxay wasaaradda maaliyaddu shaqaalaha mobiladooda ugu direen farriin telesom ah iyaga aragti ka dalbanaya oo leh waxan idiin samaynaynaa sanduuqa daryeelka shaqaalaha oo bil walba laga goynayo mushaharkooda lacagta hoos ku xusan:
Darajada A: 30,000 SLSH
Darajada B: 20,000 SLSH
Darajada C: 10,000 SLSH
Darajada D: 5000 SLSH
Ujeedka ay Shaqaalaha ugu direen farriintu waa si maamulka ka hooseeya Wasiirka ay ugu qanciyaan in ay Shaqaalaha ka soo qaadeen afti oo ay ogolyihiin in laga jaro lacagta. Ugu horreyn, madaxda wasaaraddu waxay shaqaalihii ka dalbadeen aragtidooda hadana may samaynin meel ay aragtidooda ku soo gudbiyaan. Message ka ay telesom u so dirtay shaqaalaha laguma celin karo farriin.
Marka labaad, lacagihii hore looga goosan jiray ayaan la garanayn meel ay martay oo ay ahayd in la is waydiiyo halkii ay martay. Marka saddexaad, waxa dalka ka jira sixir barar. Halka ay ahayd in shaqaalaha loo kordhiyo mushaharka, may ahayn in laga goosto lacag aan lagu soo celin doonin shaqaalaha.
Marka afraad, in si fudud loo qaato qaadato xaqa shaqaalaha, adduunka na waa u cuqubo, aakhirana u cadaab.
Tako soo jeedin:
1. In lacagtii laga goosan jiray shaqaalaha la galiyo Audit si loo ogaado xaga ay martay.
2. In shaqaalaha loo soo celiyo 20 tii kun ee laga goosan jiray mushaharkooda 3 dii sano ee u danbeeyay.
3. In aan lacag kale laga goosan shaqaalaha maadaama oo uu dalka ka jiro sixir barar isla markaana ay ugu jirto miisaaniyadda qoondada daryeelka shaqaalaha.”