Maamulkii Silaanyo iyo Faysal Cali-waraabe waxa ay bilowgii 2017kii soo bisleeyeen heshiis Khaatumo iyo Somaliland ay wax ku wada yeelanayaan oo mustaqbal. Heshiis todoba qodob ka kooban oo wax badani ku hagaagi lahaayeen buu ahaa. Sanadkaas dhamaadkiisii waa tii Muuse taladii loo dhiibay ee la yidhi inna wad. Intii uu yaqaanay buu ku maamulay, waxyaabaha uu cagta mariyay na koow waxa ka ahaa heshiiskaas uu hormuudka ka ahaa Prof Cali Khaliif, isaga oo duuduuban baanu xashiishka ku daray. Xataa in uu hal maalin la kulmo ergadii Dhulbahante ee Prof Khaliif hormuudka u ahaa buu diiday. Dadkii ka ergeeyay ee is ku dayay in aanu sidaas yeelin na, dhamaantood wuu diiday.Sababta uu sidaas u yeelay, wax alla wax inaga galay ma jiro. Waxa aynu hubnaa in heshiiskaas uu Muuse ciideeyay, mid kale oo uu ku bedelay amaba talo kale oo uu keenay na aanay jirin. Heshiis kaas uun xashiishka ma uu raacinin ee Laascaanood iyo guud ahaan ba Sool, ayaa raadaarkiisa ka baxday, amaba aan marka hore ba ku jirin aan idhaahdo.
Waxa hubaal ah Ilaahay baa la hubaaye, hadii heshiiskaasi hirgeli lahaa, oo dadka deegaankaas na ay matali lahaayeen dad ay ku kalsoonyihiin, waxa manta dhacay in aanay dhaceen. Runtii Laascaanood iyo dadkeeda meel aanay abidkood gaadhin buu gaadhsiiyay, Dhulbahante intoodii awalba la ga badnaa ee aaminsanayd in dantoodu ku jirto Somaliland oo ay wax wada qabsadaan na, sheekadii wuu ka xidhay, dib in ay u gu furmayso na ma u eka. Talo xumadaasi Laascaanood uun ma ay fogaynin ee sidii Somaliland debedda loo ga arkaayay ayay aad u wiiqday. Baroon rasaas waaweyn la ga soo afuufaayo, oo caruur iyo haween sii cararaaya dhabarka la ga la dhacay ayaa video geeda meel walba la ga riday. Is la caqliga heshiiska Khaatumo diiday mid kale na aan ku bedelin, ayaa dhaqanka kaas ah ee maati doxa ah na dhiirinayay oo shan maalmood daaha dabadiisa ka waday. Hadii uu sidaas ku aamusi lahaa baaba roonayn lahayd, ee aakhirkii intoo oo media ha u soo baxay ayuu wixii aad maqasheen ku hadlay – dilka shicibka waanu ka xunnahay, iyo si kadis ah buu u dhacay! Ilaahay ku soo qabay muxuu, been qayaxan sheegay.
Waxa Qoray