WAREEGTO MADAXWEYNE: 14 /01/202

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Maxamed Cabdi Gurxan,Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Beddel iyo Magacaabid

Waxaan Go’aamiyey
1. In Agaasimihii Guud ee Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
2. In Kaysar Cabdillaahi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Midowga Yurub.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.