Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex Somaliland ayaa saaka oo Talaado ah xukun 1 sano oo xabsi ah ku ridday saxafiyad Bushaaro Cali Maxamed (oo loo yaqaanno Bushaaro Baanday).

Gabadhan wariyaha ayaa la xidhay 15 May 2023, waxaana xadhiggeeda lagu eedeynayaa inuu ka dambeeyay wiilka madaxweyne Muuse Biixi oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Biixi.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday xukunkaasi saaka ka dib markii gabadha wariyaha la horkeenay maxkamadda. Dhowr jeer oo hore ayay dib u dhacday maxkamadeynta wariyaha.

Xukunka halka sano ayaa la sheegay inay iibsan karto iyadoo laga goynayo muddadii ay xirneyd, taasoo marka dib loo xisaabiyo ka dhigeysa dhowr bilood oo ka dibna lacag lagu beddeli karo.

Xukunkan ayaa yimid xilli xisbiga Kulmiye ee talada haya uu caqabad kala kulmayo shirkiisa ka dhici doona magaalada Burco oo ay Bushaaro kasoo jeeddo 20ka bishan Agoosto, taasoo odayaasha iyo waxgaradka reer Burco ay ku hanjabeen inaan shirka la qaban doonin inta Bushaaro ay xiran tahay.

Qareennada wariyaha u doodayey ayaa sheegay in inkastoo aysan jirin wax dembi ah oo lagu heley Bushaaro, haddana garsooruhu ku riday xukunka.

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa Bushaaro ku soo oogtay eedeymo isugu jira baahin warar liddi ku ah Somaliland iyo inay wax ka sheegtay laamaha garsoorka Somaliland.

Ururka Saxafiyiinta SJS ayaa ku tilmaamay xukunkan mid siyaasadeysan oo looga gol leeyahay in lagu weeciyo sumcad daridda Somaliland kasoo gaartay xadhigga wariye Bushaaro Baanday.

Kaabtv