Weriyaha ITV News Raage Omaar ayaa hadda ka soo kabanaya xaaladdii caafimaad ee ku timid isaga oo si toosa u tabinaya wararka. Sida laga soo warbaahinta ITV Raage ayaa hadda ku sugan gurigiisa ka dib markii laga soo saaray isbitaalka oo lagu soo dabiibiyay. Wuxuuna qof walba uga mahad celiyay “naxariista iyo caafimaadka uu u rajeeyay”.

Afhayeen u hadlay ITV News ayaa yiri: “Waxaan daawadayaashii warkii xalay ugu mahadcelineynaa sida ay uga walaacsanaayeen xaaladda caafimaad ee Raage Omaar.

“Kadib daawaynta isbitaalka, wuxuu hadda ku jiraa xaalad soo kabasho ah isaga oo gurigiisa ku sugan”.

“Waxaan Raage u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah waxaanan rajaynaynaa inuu dib ugu soo laabto shaashada marka uu soo caafimaado