Warmurtiyeedka shirkii beelaha Habarjeclo ee galabta Burco ka furmay iyo qodobada ka soo baxay.
⸻
Qodobada War-murtiyeedka
1️⃣ Beesha Habarjeclo waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumaddiisa uga mahadcelinaysaa go’aanka qaramaynta Ciidamada Madaniga ah.
2️⃣ Beesha Habarjeclo waxay si buuxda u soo dhoweysay qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, iyada oo u aragta talaabo muhiim u ah nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.
3️⃣ Guddida Guud ee Beesha Habarjeclo iyo Salaadiintu waxay magacaabayaan Guddiga Farsamo oo ka shaqayn doona hannaanka qaramaynta Ciidamada Madaniga ah.
4️⃣ Guddiga Farsamada wuxuu Xukuumadda kala shaqayn doonaa habsami u socodka iyo hirgelinta qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, iyadoo la is waafajinayo baahida amniga iyo qaab-dhismeedka cusub ee qaramaynta.
⸻
Shirku wuxuu ku dhammaaday jawi deggan, midnimo iyo wadajir ay ka muuqato.
Allaa Mahad Leh.
#Somaliland