Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay bayaan ay ku diidday qoraal ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo booqashooyinka caalamiga ah ee Somaliland.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in booqashada heer qaran ee Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ku joogo Israel ay muujinayso xaqa Somaliland u leedahay inay si madax-bannaan u maamusho arrimaheeda dibadda iyo xidhiidhadeeda caalamiga ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in booqashadani ay caddeyn u tahay sii ballaadhinta xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland, iyadoo ku adkaysatay inay sii wadi doonto difaaca madaxbannaanideeda, qaranimadeeda iyo karaamadeeda.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in Somaliland ay xaq u leedahay inay la yeelato xidhiidho diblomaasiyadeed iyo iskaashi caalami ah dalalka ay danaha wadaagaan, iyadoo aan cid kale faragelin ku yeelan karin go’aannadeeda madaxbannaan.