Wasaarada Biyaha ee Somaliland oo Ceel Biyood ka hirgalinaysa deegaanka Faraweyne

Hargeysa(Qaran n)-Wasiirka Wasaaradda Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa deegaanka Laaleys ee Degmada Farawayne ka dhaxag dhigay Ceel biyood ay bulshada deegaankaasi aad ugu baahnaayeen,kaasi oo maanta dhagax dhigiisa ay u riyaaqeen.
Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in deegaanka Laaleysku ee Degmada Farawayne uu yahay dhul oomane ah oo uu aad ugu baahnaa in laga hirgaliyo Ceel biyood ay bulshadu kaga haqab belaan baahida biyood ee ka jirta deegaanka.

Dhinaca kale wasiirka Biyaha Somaliland ayaa Bulshada degaanka Laaleyska u sheegay in ka Degmo Farawayne ahaan ay xukuumaddu u soo wado riigag kale oo u qoda Ceelal Biyood, waxaanu ku booriyay inay iyaguna soo dhaweeyaan waxaanu yidhi
“waan garan karaa ama waan qiyaasi karaa in dhulkani yahay dhul oomane ah oo biyaha aad looga baahan yahay cidii iga horaysay ee u garatay in ay halkan ceelkani yimaado aniguma waan u mahadnaqayaa waxan hawshan bilaabay uun dhawaan, waayo waan ku cusubahay wasaaradda, ILLAAHAY waxa aynu ka baryaynaa ceelkan mid aynu ujeedadaynu kala hayan aynu kagaadhno oo biyo laga helo inoogu dhigo.

Gebo’gabdii wasiirka wasaaradda Biyaha ayaa ugu baaqay wadayaasha gaadiidka qodaya ceelashu in ay talada ka sugaan madaxda wasaarada iyo cida aqoonta u leh ceelasha iyo qodistoodu waxaanu yidhi
“waxa nagu soo noq-noqotay ceelal badan oo lagac la galiyay oo biyihii iyo ujeedadii lacagta loo galiyay laga waayay ama ha noqoto arrin farsamo ama ha noqoto arrin ku timaada aqoontii oo la aqbali waayay oo laga dhago adaygay ama ha noqoto arrimo sababo kale ay keenaan.

Markaa waxaanu rabnaa in aanu isku beegno aqoontii iyo baadhistii iyo habka ugu haboon ee biyaha loo heli karaa inay noqoto si daacad loo wada yahay,inta badana wararka aan hayo Riigaga ayaa khaladku ka yimaadaa, taasi waxay keenaysaa Riigaga iyo dadka ka shaqaynaya in aynu si dhaw ula socono oo khaladaadkan intay sameeyaan sadex boqol oo kun oo Dollar iyo laba boqol oo kun oo Dollar inta meel la galiyo uu ninka Riiga wataa intuu marna galiyo marna ka saaro oo iska dhaqaaqo inuu meesha ka baxo ayaan rajayn doonaa inta aan wasaaradda joogo’’.