Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md Cabdilaahi Xasan Aadan oo uu wehelinayey Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha Md Ismaaciil Mowliid Cabdilaahi ayaa maanta kulan-wax ku ool ah la yeeshay Dhawr iyo toban ka mid ah Maamulka sare ee Jaamacadda Somaliland.
Kulanka oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 29/06/2025 ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa waxa ka mid ahaa qodobada mihiimka ah ee la iskula-qaatay in degdeg loo dar-dargaliyo:-
1.Bilaabista Istcimaalka Tigidhada jaamacadaha dalka guud ahaan.
2. Dar-dargelinta cashuurta shaqaalaha ee Jaamacadaha.
3. Wacyigelinta cashuuraha ee jaamacadaha Somaliland (Academic Debates).
4. Barashada cashuuraha Ee jaamacadaha (Curriculum).
Sidoo kale waxa kulankankaas goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Komishanka Tacliinta sare ee JSL Md Aadan Jaamac Ducaale.
Dhinaca kale Jaamacadaha kasoo qayb-galay kulankaas ayaa waxa ka mid ahaaa:-
1. Hargeisa University.
2. Golis University.
3. Amoud University.
4. Bader University.
5. Edna aden University.
6. New generation University.
7. Admas University.
8. Alpha University.
9. CSI University
10. FFU University
11. Abaarso University.
=Wabillaahi Tawfiiq=
Waaxda X/Dadwaynaha Iyo Xogta