Wasaaradda Khaarajiga oo si adag ugu Jawaabtay warbixin ka soo baxday Heritageka Soomaaliya

Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay qoraal ay soo saareen Machadka Heritage ee Soomaaliya, kaasi oo ay ku dhaleecaynayaan heshiiska taariikhiga ah ee Somailand iyo Itoobiya ay dhawaan ku wada saxeexdeen Magaaladda Addis Abbaba.

Wasaaradda Arrimaha Debadda Somaliland ayaa ku sifaysay wabixintaasi mid qalloocan oo ay ku raran yihiin dano siyaasadeed oo ka turjumay rabitaanka dawladda Muqdisho, kaasi oo looga dan leeyahay in lagu qanciyo aragtida Madaxwaynaha Muqdisho ee dhawaanahan la taagnaa dhaliisha heshiiska uu ku lamaan yahay aqoonsigu ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya.
Wasaaradda Arrimaha Debadda Somaliland ayaa u soo jeedisay Indheer-garadka iyo siyaasiyiinta Muqdisho inay gar-waaqsadaan dhaq-dhaqaaqyada isbadelka ah ee ka socda aduunka iyo in laga guuray xasadka iyo cadaawad guun ah, waxaanay heshiiskan taariikhiga ah ku sifaysay wasaaradu tallaabo muujinaysa in loo qaaday xasiloonida iyo barwaaqada gobolka.

Geesta kale War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in dowladihii isaga kala dambeeyay ee Muqdisho soo maray ay noqdeen kuwo ku qanacsan maaraynta colaadaha iyo dagaalada gudaha ka socda kuwaasi oo mudnaanta siin jiray ka qaybgalka deeq-bixiyayaasha dibadda marka loo eego mas’uuliyadda gudaha, taasina ay ka marag kacayso sida ay dawladda Muqdisho u dayacday amniga dhexdeeda, taasi oo ay ka reeban tahay dawladaasi ka qayb qaadashada amniga mandaqada.
Gebo’gabadii Wasaaradda arrimaha dibeddu ayaa qeexday in qarannimada iyo madax-bannaanida Somaliland ku naaloonayso ay ku heshay naf-hurnimada iyo wada jirka shacabkeeda, waxaanay ku sheegtay warbixintaasi ay soo saareen Machadka Heritage mid looga dan leeyahay in faafinta dacaayadaha heshiiska Somaliland iyo Itoobiya balse aanay jirin xaqiiqo raadin iyo cilmi baadhis rasmi ah oo la sameeyay.