Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Bogaadisay Maayarka iyo Maayar kuxigeenka Sallaxlay


Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay hambalyo u diraysaa Maayor -ka iyo maayor Ku-xigeenka cusub ee Degmada Sallaxley.
Fadhi ay yeesheen saaka Golaha Degaanka ee Degmada Sallaxley ayaa waxa ay Maayar u Doortay Maxamed Cabdi Haariye, halka ay Maayor kuxigeen u doorteen Maxamuud Beddel

Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Maxamed Caalin Tiimbaro ayaa Gudoomiyey fadhigan Saaka.